GARBAHAAREEY ONLINE » XOG: Degmada Qandalla oo Haawaneysa & Daacisho oo dhufeys ka sameystay + cabsi taagan..
Tuesday, January 17th, 2017
header

XOG: Degmada Qandalla oo Haawaneysa & Daacisho oo dhufeys ka sameystay + cabsi taagan..

= 1616

Dadka deegaanka Qandalle ee gobolka bari ayaa bilaabay iney ka cararaan degmada ka dib markii ay sii korortay cabsida laga qabo iney ku dhex dagaalamaan Dagaalyahanada gacan saarka la leh Daacish iyo Ciidanka Difaaca Puntland.

Sida wararka aan ku heleyno dadka qaar ayaa bilaabay iney magaalada kaga baxaan doomo ay kaga sii gudbayaan magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Gudoomyihii hore ee Degmada Qandala oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay Magaalada in ay isaga barakaceen dhamaan dadkii deganaa, kuwaasi oo ka cabsi qaba in halkaasi ay ku dagaalamaan Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Waxa uu sheegay kooxda Daacish in ay ku sugan yihiin afaafka hore ee Degmada Qandala, sidoo kalena halkaasi ay ku soo wajahan yihiin Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland.

Kooxo taageersan Daacish oo uu hogaaminayo wadaad lagu tiriyay argagixisada ayaa gudaha ugu jira degmada Qandalla,waxayna u muuqdaan kuwo isku diyaariany dagaal ay galaan Ciidamada Puntland.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K