Saturday, June 24th, 2017
header

Madaxweynaha Hirshabelle oo Eexasho sameeyay gargaarkii ugu horeeyay ka bilaabay G/Hiiraan..

= 117

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo gargaarkii ugu horeeyay gaarsiiyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan oo uu hor kacayo guddoomiyahay magaalada Maxaas iyo taliyaha Booliska Baladweyne Col.Cali Dhuux Mahad Alle ayaa gaaray  deegaanno dhowr ah oo hoos taga degmada Maxaas  gobolka Hiiraan iyadoo ujeedada socdaalkoodu ahaa sidii gargaarka degdegga ah loo gaarsiin lahaa qoysas la dhibaatoonaya abaaro ba’an oo saameyn culus ku yeeshay noloshooda.

Laga soo bilaabo 20-ka bisha October ee sanadkan 2016-ka, kumanaan qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira qeybo ka tirsan Hiiraan ayaa waxay soo gaareen deegaannada Maxaas iyo matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, gobolka waxaa dhibaato ku haya shuban biyoodka, dhowr-kii bil ee ugu dambesay waxaa jiray xaalado caruur u badan oo la geeyay isbitaalka magaalada Baladweyn.

Xaalada shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegaya iney tahay mid adag oo saameyn ay ku yeesheen.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K