GARBAHAAREEY ONLINE » Ahlu suna oo ka careysiisay Villa Somalia Baarlamaan cusubna magacaabatay..
Saturday, February 25th, 2017
header

Ahlu suna oo ka careysiisay Villa Somalia Baarlamaan cusubna magacaabatay..

= 109

Maamulka Ahlusunna ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi waxa ay u magacaabeen Saadaq Sheekh yuusuf Direed oo maanta laga qaaday xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi.

Warbaahinta ayaa maanta horey u sii saadaalineysay in Saadaq Sheekh yuusuf Direed uu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Ahlusunna.

Xildhibaanada Baarlamaankan cusub ee uu yeeshay Maamulka Ahlusunna ayaa ka kooban 63 xubnood, waxaana ay isugu jiraan saraakiil, xubno ka tirsanaa qeybta warfaafinta, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkan iyo waliba dad iska caadi ah.

Ilaa 10 Haween ah ayaa ka mid ah Baarlamaankan, sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K