Saturday, August 19th, 2017
header

Doorasho Xasaasi ah oo maalinta berito ah ka dhaceysa Muqdisho (Akhri)..

= 135

Maalinta Berri ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 11 bishaan ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho ay ka bilaabato doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.

Ugu horeyn Waxaa lagu waddaa in ay dhacdo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana sidoo kale 12 bishaan dhici doonta doorashada gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka.

Doorashada ayaa ah mid aad u adag, waxaana ku loolamaaya musharixiin horay xilkaasi u hayay iyo sidoo kale kuwo doonaya in ay hadda Noqdaan gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartami doona Afar Musharax oo uu ka mid yahay Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaankii Sagaalaad Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale Musharaxiinta ee ugu cad cad doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kala ah Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey ,Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Idiris Cabdi Dhaqtar.

Musharaxiinta oo Axadii khudbado kala duwan ka horjeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sameeyeen Balan qaadyo kala duwan hadii ay noqdaan gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa la sheegaya in  ay taageero ka heystaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, waxaana dadka falanqeeyaa siyaasada ay sheegayaan hadii la doorto ku gudoonka Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa in la saadaalin karo cida noqonaysa Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ah kuwo ka duwan xildhibaanadii waqtigoodo dhamaaday , iyadoona halkii xildhibaan ay soo doorteen 51 Ergo.

Baarlamaanka ayaa  waxaa ku jiro wajiyo ay ku cusub tahay siyaasada Soomaaliya , waxaana lagu wadaa in ay la yimaadaan isbadel , islamarkaana  ay doortaan hoggaanka ay bulshadu u siman tahay.

 

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K