GARBAHAAREEY ONLINE » DHAGEYSO: Nolosha Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay MD Guuleed oo Halis ku jirto..
Sunday, March 26th, 2017
header

DHAGEYSO: Nolosha Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay MD Guuleed oo Halis ku jirto..

= 148

Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Xareed Cali Xareed oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Galmudug  ayaa sheegay in ay soo gaareen warar ku aadan qalooyin doonayo in ay dhibaateeyaan Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas

Mudane Xareed Cali Xareed ayaa tilmaamay in Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka laga hor istaagayo in ay kulmaan si ay ugu doodaan arrimaha Maamulka Galmudug, ay ugu horeeyeen wax qabad la’aanta sida uu sheegay Madaxda Maamulka Galmudug.

“Ujeeddo Sugida amniga xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Cadaado, waxaa inoo qorshaysneed in Todobada bishaan Junuary  la furo kalfadhiga Baarlamaanka Maamulkaas, si loo amba qaadayo ajandayaasha horyaalka Baarlamanka, waxaa ina soo gaaray xogag muujinaya in ay jiraan qolyo doonaya in ay dhibaateeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka”, ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Wuxuu ugu baaqay Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay ka qeyb qateen Sugida amniga Xildhibaanada iyo xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug si loogu fogaado in la dhibaateeyo xildhibaanada baarlamanka Maamulkaas.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K