Thursday, April 27th, 2017
header

DEG DEG: C/kariin Xuseen Guuleed oo Ka Jawaabay Xil ka qaadista lagu sameeyay..

= 193

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka soo horjeestay Xilka qaadis ay maanta ku dhawaaqeen Xildhibaannada maamulkiisa in ay isaga ku sameeyeen.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa u qoran sidan:
Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay sameysteen dadweynaha ree Galmudug.

Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka ree Galmudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad war murtiyeedka uu soo saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug 5tii Jan, 2017.

Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.

Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K