Saturday, June 24th, 2017
header

DHAGEYSO: Hay’adda Culimada oo dardaaran adag u jeediyay Xildhibaanada cusub..

= 626

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay baaq ugu jeedisay Xildhibaannada labada aqal ee dhawana lagu dhaariyay Muqdisho.

Hay’adda ayaa Xildhibaannada ka codsatay in ay ku dhaqmaan dhaartii ay ku galeen Kitaabka Alle,waxaana ay ugu baaqeen in Xildhibaannada ay doortaan Madaxweyne aamin ah.

Bayaanka Culimada Soomaaliyeed ayey ku sheegeen in Xildhibaannada ay saaran tahay mas’uuliyadda dalka ee ay u dhaarteen loogana fadhiyo in ay si daacad ah u gutaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimada ayaa Xildhibaanada ugu baaqay in ay dhowraan sharciga iyo Kitaabkii ay ku dhaarteen sidoo kalena kula taliyay in ay doortaan Madaxweynaha anfacaya dalka Soomaaliya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K