GARBAHAAREEY ONLINE » Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay & ciidamo isku gadaamay meelaha qaar..
Sunday, March 26th, 2017
header

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay & ciidamo isku gadaamay meelaha qaar..

= 141

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, waxaana ka mid ah wadooyinka xiran Wadada Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo wadooyin kale.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/fitaax Ibraahim Geeseey, Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

 

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K