Thursday, April 27th, 2017
header

Xasan Sheikh oo xaqiijiyay qeyb ka mid ah guushiisa & hamigiisa soo noqoasho..

= 304

Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in Xasan Sheikh uu ku guuleystay rajadii uu lahaa qeyb ka mid ah u horseedi karta inuu ku guuleysto Kursiga ugu sareeya ee dalka.

Madaxweynaha Xasan Sheikh ayaa la aamisan yahay inuu maal geliyay Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari oo maanta ku guuleystay xilka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa Baarlamaanka Soomaaliya hogaamin doona afarta sano ee soo socoto.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ahayd mid xamaasad gaar ah lahayd,waxaana badi saadaalinayeen in doorashada wax badan iska badali karaan hadii la gaaro wareegyada ugu danbeeya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K