GARBAHAAREEY ONLINE » Axmed Madoobe oo go’aan lama filaan ka qaatay Guusha Jawaari (Maxaa isbedelay)..
Tuesday, January 17th, 2017
header

Axmed Madoobe oo go’aan lama filaan ka qaatay Guusha Jawaari (Maxaa isbedelay)..

= 740

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo ku xigeenkiisa labaad cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in shaqo wanaagsan oo dhinaca nidaamka dowliga ah ay qabteen xildhibaanada Cusub taas oo Soomaaliyada Cusub ku hagaysa wadada Dowladnimada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu yahay nin Aqoon leh waxbadana kala socda Siyaasada Soomaaliya hagi karana Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in sidaas si lamid ah looga baahan yahay Aqalka Sare in ay doortan dad wax gal ah oo la jaanqaadi kara Siyaasada Dalka.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K