GARBAHAAREEY ONLINE » BREAKING: Musharax Xasan Sheikh oo warkii ugu cuslaa Taariikhda ka soo saaray Guusha Jawaari (Muxuu Yiri)..
Saturday, February 25th, 2017
header

BREAKING: Musharax Xasan Sheikh oo warkii ugu cuslaa Taariikhda ka soo saaray Guusha Jawaari (Muxuu Yiri)..

= 470

Madaxweynah Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya sida hufnaanta leh ee ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Baarlmaanka ee Soomaaliya ee uu ku guuleeystay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoomiyaha Baarlmaanka ee maanta dhacday.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin cid laga adkaaday iyo cid adkaatay, isaga oo sheegay in Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA..

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey ciidamada Qalabka sida si adag u sugaya ammaanka magaalada iyo guud ahaanba dalka xili lagu jiro xili adag oo ay doorashooyin dhacayaan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K