Saturday, June 24th, 2017
header

DHAGEYSO: Siyaasi taageeray go’aankii Dowladda ee murunka Khaliijka

= 277

Siyaasi Jaamac Xasan Khaliif oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Qatar.

Siyaasiga ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta Soomaaliya ay kala kulmi karto cadaadiska uu ku hayo dalka Sacuudiga iyo go’aankii ay qaadatay.

Wuxuu ugu horeyn wax lagu farxo ku tilmaamay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka walwalsanaayeen go’aanka Soomaaliya ay qaadan doonto markuu khilaafka soo ifbaxay.

Jaamac Xasan Khaliif oo ku nool Dalka Mareykanka wuxuu mar soo noqday musharax madaxweyne, wuxuuna sheegay in go’aanka dowladda uusan yeelan doonin wax saameyn ah.

Dhinaca kale wuxuu amaanay diidmadii lacagta Sacuudiga uu usoo bandhigay Farmaajo, isagoo sheegay in dalka Soomaaliya uu ka dhaqaalo badan yahay Sacuudiga balse shacabka aysan wali ka faa’ideysan.

Hoos ka daawo muuqaalka

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K