Saturday, June 24th, 2017
header

DHAGEYSO: Xukuumadda Somalia oo war lama filaan ah ka soo saartay weerarkii Pizza House & halka ay mareyso dhimashada..

= 142

Ra’iisul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay weerar Qarax ku bilowday oo lagu qaaday Maqaaxidaha posh Treats iyo Piza House.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugnaa.

“Halkaan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in uu qarax dhacay hada, qof walbo oo idinka idin ka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad Soomaaliyeed ay wax ku noqdeen ayuu yiri Xasan Cali Khayre”.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ka hortaga qaraxyada ka dhacaya dalka iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed lagu hayo.

“Waxaan aqbalnay in qarax dhaco oo aan ka cararno, in qof meel lagu dilo oo aan ka aamusno taasina macquul ma ahan, waa in aan Ciidamada ammaanka la shaqeynaa ayuu yiri mar kale Ra’iisul wasaaraha”.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka sheegay kulan ka socday Madaxtooyada Soomaaliya xilliga uu qaraxu dhacayay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K