Saturday, August 19th, 2017
header

DAAWO: Shabaab oo soo bandhigay Qasaarihii weerarkii deegaanka Af-Urur kana careysiiyay C/wali Gaas..

= 178

Xarakadda Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii todobaadkii hore ay ku qaadeen saldhiga ciidamada military-gga maamulka Puntland ee degaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Sawirada ayaa faafaahin ka bixinayay bur-bur xooggan oo saldhiga ka muuqda iyo gawaari gubanaya. Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkii hore sheegatay in weerarka degaanka Af-Urur ay ku dileen 61 askari oo ka tirsanaa maamulka Puntland.

Degaanka Af-Urur, waxaa uu ka tirsanyahay Buuraleeyda Galgala, halkaas oo muddo ay saldhigyo ay ku leeyihiin Al Shabaab.  23-ka bishii April Al Shabaab ayaa Buuraha Gal-gala ku dilay 8 askari oo ciidamada maamulka Puntland ka tirsanaa.

Af-Urur ayaa ah degaan qiyaastii 60 miles dhinaca koonfur-galbeed kaga began magaala xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa beeniyay in weerarkii Al-shabaab ee Degaanka Af-urur looga dilay ciidamo tiro badan, islamarkaana laga qabsaday saldhigii ciidamadda ee Af-urur.

Wasiirku, wuxuu sheegay in ururka Al-shabaab ay dad rayid ah oo isugu jira odoyaal iyo haween ay ku laayeen tuuladda Af-urur, balse ayan jirin ciidamo tiro badan oo laga dilay dhinacooda.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K