Saturday, June 24th, 2017
header

TOP+DHAGEYSO; Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay 5-nin oo dad shacab ah ku laayay deegaan hoostaga Gobolka Mudug..

= 178

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay xalay Magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigeen shan nin oo dhawaan dad Shacab ah oo haween iyo Carruur ay ku jiraan ku dilay degaan oo hoos yimaada degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Xeerilaaliyaha gobolka Mudug Maxamed Cilmi Gulaafe ayaa Saxaafada u sheegay in raggaan laga soo qabtay Bariga gobolka Mudug ka dib howlgal culus oo ay saameeyeen Ciidamada maamulka Galmudug.

Waxaa uu tilmaamay Gulaafe in raggaasi ay la dagaalameen Ciidamada , islamarkaana ugu dambeyntii Ciidamada Ammaanka ay qabteen raggaasi oo bad qaba.

Xeerilaaliyaha gobolka Mudug ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in raggaasi ay ku xiran yihiin Saldhiga degmada Gaalkacyo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K