Saturday, August 19th, 2017
header

DHAGEYSO: Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan oo Eedeyn kala dul dhacay Ugaas Beesha Ceyr+(SABABTA)..

= 222

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa eedeyn u jeediyay Ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed isagoo sheegay inuu xiriir dhex maray, kula hadlay ereyo aan habooneyn.

Labada Ugaas oo beelahooda ay ku dagaalamayaan xuduudka labada Gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud ayaa looga fadhiyay inay xal u helaan oo dhex galaan colaadda dhiigga badan ku daatay ee ka taagan degaano ka tirsan degmada Matabbaan.

“Ugaas Xasan wuxuu igu yiri ciidankeyga difaac ayay ku jiraan.. ee bisha Ramadaan kadib aan ka dhigno..” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo magaalada Beledweyne kula hadlay saxafiyinta.

Hadalka ka soo yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa ah mid ku cusub dhaqanka odayaasha iyadoo nabadoonada aanay caadiyan adeegsan warbaahinta, waxaase muuqata in Ugaaska uu tallaabo cusub qaatay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K