Saturday, June 24th, 2017
header

DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo farmuuqay Habka loo marayo dib u heshiisiinta & sida dalka ku xasili karo..

= 96

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa ugu baaqay dagaalyahanada Al-Shabaab in ay qaataan heshiis ,islamarkaana ay la hadlaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la hadasho Al-Shabaab si loo xaliyo dhibaatada ay wajahayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu dagaalyahanada Al-Shabaab uu u sheegay in ay haboon tahay in aysan leyn shacabka hantidooduna aysan burburin.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay Madaxweyne Farmaajo in ay sameyn doonto tilaabo walbe oo lagu joojinaayo dhiiga Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay kusoo biiraan dowladda ,islamarkaana Qaraxyadda ay joojiyaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

 

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K