Saturday, June 24th, 2017
header

SAWIRO: Arin Farxad leh oo laga bilaabay magaalada Jowhar & HirShabeelle oo…

= 86

Waxaa magaalada Jowhar laga bilaabay qorshaha dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo dhibaato badan ay ku qabeen shacabka ku safra halkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo ka qeyb galay dhagax dhiga mashruucaan ayaa sheegay in waddadaasi dhibaato badan ay ku qabeen shacabka adeegsada.

Sidoo kale xubnaha maamulka HirShabeelle ayuu sheegay inay dhibaato ku qabaan marka ay ku safrayaan waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

Dhibaatada ugu daran ee wadadaasi ka taagan ayaa ah in godado badan ay leedahay, waxaana halis ah marka roobabka ay da’aan oo gaadiidka ay shilal galaan.

Dad badan ayaa ku dhintay wadadaasi tan iyo burburkii dowladii dhexe ee dalka, waxaana la dayac tiray inka badan 30 jeer tan iyo sanadkii 2000.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K