Saturday, June 24th, 2017
header

DEG DEG: Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukuntay ninkii dilay wasiir Siraaji

= 71

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday ninkii ka dambeeyay dilka wasiir Cabaas Siraaji oo bil ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunka ku dhawaaqay, waxaana uu sheegay in xukun dil ah lagu riday raggii loo heystay dilka wasiir Cabaas Cabdulaahi Sh. Siraaji.

“Markay aragtay cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan markay dhagaysatay Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le Xoogga Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliyed, hadii aan loo haysan dambi kale Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.”ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K