Saturday, June 24th, 2017
header

DEG DEG: Cali khaliif Galeyr oo loo diiday inuu galo Magaalada Buuhoodle & Dagaal laga cabsi qabo

= 137

Wararka aan Maanta ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalan karta gacan ka hadal taas oo ay wadaan maleeshiyaad hubeysan.

Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan  deegaanka Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle kuwaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamulka Puntland.

Maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay ka soo horjeedaan talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ee ah in uu ku biiray wadahadal kadib Maamulka Soomaaliland oo dhowr jeer uu dagaal la galay.

Ciidamada ayaa Cali khaliif u diiday in uu tago magaalada Buuhoodle iyagoo ka soo horjeeda heshiiskii Shanta qodob ka koobnaa ee ay Maalin ka hor  kala saxiixdeen Maamulka Soomaaliland iyo  Khaatumo oo uu hogaaminayo Prof Cali Khaliif Galeyr.

Magaalada Buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan xaaladeeduna waa ay  kacsan tahay,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi dagaal ku dhex maro ciidamada Soomaaliland iyo ciidamadan Maleeshiyaadka ah ee ku kacsan Cali Khaliif Galeyr.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Khaatuma oo ku sugan Magaalada Buuhoodle oo aan la xiriirnay  ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weydiino waxa ay ka ogyihiin xiisadaan iyo waliba Maleeshiyaadka Hubeysan ee Cali Khakiif Galeyr uu diiday in uu tago Magaalada Buuhodle ee gobolka Togdheer.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K