Tuesday, July 25th, 2017
header

TOP: Madaxweyne Farmaajo oo gorgortay la furay xildhibaanada MOOSHINKA diyaariyay

= 263

Tobaneeyo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradsan xukuumadda Kheyre ayaa la sheegayaa inay kulan la leeyihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xildhibaanadaan oo gaaraya 40 mudane ayaa la sheegay inay kulan ku yesheen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxayna iska soo xuleen guddi ka kooban 15 xubnood.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay u badan yihiin xildhibaanadii soo doortay madaxweyne Farmaajo kuwaasi oo iska waayay liiska xukuumadda Kheyre.

Waxaa xildhibaanada hogaaminayo Xildhibaan Daa’uud Maxamed Cumar (Bisinle), walow aan la sheegin magacyada xildhibaanada kale ee mucaaradka noqday.

“Xildhibaanadan waxay u badan yihiin Xildhibaanadii soo dooratay Madaxweynaha, iskana waayay Golaha Wasiirada. Waxaa Xildhibaanadan ku jira kuwo miisaan leh.” sidaasi waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhibaanada kala hadlay sidii ay kaga laaban lahaayeen qorshaha ay damacsan yihiin, waxaana ay doonayaan inay kasoo muuqdaan golaha wasiirada isku shaandheynta ugu horeyso ee la sameeyo.

 

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K