Sunday, September 24th, 2017
header

TOP+DHAGEYSO: Somaliland oo Fadeexad cad lugaha la gashay & amarkii ay diyaaradaha Qadar kaga mamnuucday isticmaalka Hawadeeda oo..

= 269

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada maamulka Somaliland Farxaan Aadan Heybe ayaa waxaa uu sheegay in wali Diyaaradaha dowladda Qadar ay isticmaalayaan Hawadda Somaliland.

Waxaa uu sheegay intaasi ay tahay mid laga xumaado, Maadaama Somaliland ay horay Hawadeeda ay uga mamnuucday Diyaaradaha dowladda Qadar.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Hawadda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Qaramada Midoobey sidaas darteedna Shirkadda Qadar Hawadda Somaliland ay ku isticmaalayso ogolaansha dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay sameyn doonaan tilaabooyin Shirkadda Qadar looga hortagaayo ,Maadaama Somaliland ay xiriirka u jartay dowladda Qadar.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K