Tuesday, July 25th, 2017
header

Puntland & Galmudug oo Heshiis Taariiqi ah gaaray [Akhriso]

= 146

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis wadajir ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Shirkan oo maalmahaan ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka socday labada maamul waxayna kasoo saareen heshiis qodobo dhowr ah ka kooban.

Heshiiska ayaa waxaa kamid ahaa:-

1- In labada maamul ay is kaashadaan, kana wada shaqeeyaan Ammniga Gobolka si taasi loo gaarona waxaa la isku raacay:-

a) in la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo xilsaaran inay kaashadaan, sugidda Ammniga Gaalkacayo ee arrimaha la xiriira ammniga ka dhexeeya labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, ayna ka howlgalaan dhacdooyinka dhul daaqsimeedka la xiriira jiidaha.

b) iyo in ay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada .

2- In si nabad ah lagu wada daaqo naqa, ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan inay soo galaa dhulka naqo ku da’ay ee Puntland. si taasi loo hirgeliyona waxaa la isla gartay:-

a)- In dadka labada dhan ay si nabad iyo xasilooni ah kuwada daaqaan naqa deegaanada dhul daaqsimeedka ah ee laysugu imanayo, ayna Illaalinta ammniga ee dhul daaqsimeedka dhulka jiidaha ay u xilsaaranyihiin ciidanka isku dhafka ah.

b)- In dadka reer Galmudug ee u naq raacaya deegaanada Puntland aysan hub lasoo gelin gudaha Puntland, iyadoo looga dan leeyahay in laga fogaado wixii keeni kara isku dhac iyo iscoleysi.

3- In Puntland si waafaqsan dastuurkeeda ay masuul ka tahay naf iyo maalba dadka Soomaaliyeed ee degan dhulka Puntland ka arrimiso, oo ay ku jiraan dadka reer Galmudug ee usoo hayaamay daaqsinta.

4- In la sameeyo wacyigelin balaaran oo u dhacda si gooni gooni ah iyo wadajir ah, si loo sooceliyo kalsoonidii dadka, loona hubiyo in naqa lagu wada daaqo si nabadgelyo iyo walaaltinimo ah .

5- In talaabo sharciga waafaqsan laga qaado ciddii geysata fal dambiyeed lidi ku ah ammniga, xasiloonida iyo nabad kuwada noolaashaha dadka gobolka Mudug miyi iyo magaalaba.

6- In labada maamul ka wada shaqeeyaan xalinta wixii raadad ka haray dagaalaadii hore uga dhacay Gaalkacayo sida wadooyinka xiran.

7- In labada maamul kawada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa dib u heshiisiin dhameystiran Mustaqbalka inshallah

 

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K