Tuesday, July 25th, 2017
header

Madaxweynaha Hirshabeele oo sameeyay arin aan laga fileyn & Xildhibaano ku dhagan

= 130

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo lagu eedeeyay shaqo yaraan.

Xildhibaanada ayaa ku eedeynaya madaxweynaha inuu durba bilaabay isku shaandheynta golaha wasiirada, iyadoo wasaaradaha horey loo magacaabay aysan waxba qaban.

Xildhibaan C/Welli Maxamed Cadow oo saxaafada la hadlay ayaa ku eedeynaya madaxweynaha inuusan qaban shaqo muuqata oo laga sugayay, balse uu ku mashquulay wax ka badalida iyo isku shaandheynta Wasiirada.

Waxyaabaha kale ee lagu eedeynayo waxaa ugu weyn inuu bilaabay inuu kordhiyo xilalka uu siinayo xildhibaanada ay saaxiibada yihiin.

C/wali Maxamed Caddow ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maamulka Hirshabeelle oo sanad ku dhow aysan waxba qaban , shacabka ay heysato dhibaato weyn

 

 

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K