Tuesday, July 25th, 2017
header

TOP+DHAGEYSO: RW Kheyre oo diyaarinaya Qorshe Halis ku ah Saraakiisha laamaha amaanka Muqdisho ka dib Qaraxii shalay..

= 231

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan deg deg ah waxaa uu la qaatay Hay’adaha Ammaanka ka dib markii Qarax uu shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Hay’adaha kala duwan ee Ammaanka wax ka waydiiyay Qaraxii ka dhacay degmada Wadajir ee ay ku dhinteen dadka badan.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah wax looga qabto Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dowladda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Saxaafadda u sheegay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay sidoo kale booqdeen isbitaallada la geeyay dadkii dhaawacmay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K