Tuesday, July 25th, 2017
header

DHAGEYSO: Jubba Land oo Maxkamadeyneysa Ajaaniib sharci daro lagu qabtay+(AKHRI)..

= 140

Taliyaha qeybta guud ee Ciidanka Booliiska Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland Maxamed Naasir guud ayaa sheegay in sharciga la horgeynayo Ajaaniibtii Kalluumeysiga sharci darada ka waday Xeebta Ku dhaa ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa sheegay inta sharciga laga horgeynayao in ay sugayaan amaankooda isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii Booliiska ay usii heyn lahaayeen inta sharciga laga horgeynayo.

Waxa uu tilmaamay in cid walbo oo sharciga ku xad gudubta talaabo laga qaadayo.

Waxa uu xusay in Hay’addaha garsoorka Jubbaland ay Cadaalada waafajin doonaan Ajaaniinta Kalluumeysiga sharci darada ka waday Xeebta Ku dhaa ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa u mahad celiyay Ciidamada Jubbaland ee gacanta ku soo dhigay ragaan, kana soo qabtay Degmada Badhaadhe sida uu sheegay Kalluumeysiga sharci darada waday.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K