Tuesday, July 25th, 2017
header

BIG NEWS: Madaxweyne Cosoble oo qaati ka taagan Xildhibaano u shiray & shirar muhiim ah oo ka socda Jowhar..

= 119

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle qaarkood ayaa waxa ay ku  eedeeyeen Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle in tan iyo markii uu xilka qabtay uusan qaban waxshaqo ah.

Xildhibaan C/wali Maxamed Caddow oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu bilaabay isku shaandheyn uu ku sameynaayo golaha Wasiirada maamullka Hirshabeelle.

Sidoo kale xildhibaankaasi waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne cosoble uu doonaayo in uu xildhibaanada ka dhigo Wasiiro si ay u difaacaan.

Waxaa uu sheegay in uu bilaabay in uu kordhiyo xilalka uu siinaayo xildhibaanada ay saaxiibada yihiin.

C/wali Maxamed Caddow ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maamulka Hirshabeelle oo sanad ku dhow aysan waxba qaban , shacabka ay heysato dhibaato weyn.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K