Sunday, September 24th, 2017
header

DEG DEG: Mareykanka oo war kasoo saaray Abuu Mansuur ROOBOW & Koofur Galbeed oo….

= 429

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka hadlay liiska laga saaray afhayeenkii hore ee Al-shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday inay ka saartay liiska shaqsiyaadka ay doondoonayeen.

Wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa saacado ka hor shaacisay inay liiska waxay ugu yeereen Argagixisada ay ka saartay Afhayeenkii Al-shabaab Abuu Mansuur.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, wasiirka warfaafinta Koofur Galbeed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka dowladda Mareykanka ay ka qaadatay Abuu Mansuur Roobow.

Wasiirka oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin xayiraada laga qaaday Sarkaalkan oo darajadiisa ay sareyso, ka Koonfur Galbeed ahaana ay soo dhaweynayaan.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa xilal badan ka soo qabtay Al-shabaab, waxaana ka mid ah xilalkii uu soo qabtay Hoggaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab iyo sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.

 

 

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K