Tuesday, July 25th, 2017
header

XASAASI: Khilaaf soo kala dhex galay DFS & Ahlu sunna(Farmaajo oo balan kaga baxay)

= 157

Maamulka Ahlu sunna ayaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo markuu ku guuleystay Doorashadii dalka ka dhacday.

Kulamo gaar ah oo u muuqday in wada shaqeyn xoog leh ay dhex mari doonto dowlada Federaalka iyo Maamulka gobolada dhexe ayaa dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Hogaamiyaha Ahlu sunna Sheekh Shaakir.

Waxaa hada soo baxay xiisad u dhaxeysa labada dhinac ka dib musuq maasuq lagu eedeyay Dowlada Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu fulin waayay Farmaajo balanqaad uu hore ugu sameeyay Ahlu sunna sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo saxaafada la hadlay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku nool gobolada dhexe ee dalka, taasi oo ay sheegeen in aan loo dulqaadan karin.

Madaxa Warfaafinta maamulka gobolada dhexe ee Ahlusunna Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula) ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in Hay’adaha caalamiga ay gar gaar ka hesho, laakiin aysan siin xaqa uu lahaa maamulka gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay shacabka gobolada dhexe in ay saameysay Abaaraha ku dhuftay dalka, kuwaasi oo hada ay daruufa kala duwan ku heystaan degaanada Ahlusunna ay maamusho.

Ugu dambeyn Maamulka Ahlu sunna ayaa dalbaday in Madaxweyne Farmaajo uu ka dhabeeyo balabqaadkii uu hore ugu sameeyay dadka ku nool gobolada dhexe.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

GARBAHAAREEY.COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Garbahaareey@gmail.com.


×
K